Somaliland oo shaacisay Dad hor leh oo u geeriyooday Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay dad hor leh oo Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu geeriyooday deegaano ka tirsan Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay dalka.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Cumar Cabdullaahi Bade oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay deegaanada Somaliland ay Cudurka ugu geeriyoodeen 8 qof oo kamid ahaa dad horey ugu dhacay xanuunka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dad badan oo uu ku dhacay Cudurka, isla markaana dadkaas la geliyay xaalad karantiil ah, si aysan usii faafin xanuunka, ayna jiraan dad ka bogsaday xiligaan.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Cumar Cabdullaahi ayaa tilmaamay in COVID-19 bishii Janaayo ee sanadkaan Somaliland ugu dhimatay 3 qof, halka bishii labaad ay u geeriyoodeen 7 qof, waxaana tirada guud ee dadka ugu dhintay Somaliland ay sanadkaan gaartay 18 ruux.

Warbixintii ugu dambeysay ee soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ayey ku sheegtay in deegaanada Somaliland laga diiwaan-geliyay 31 qof oo qaba Cudurka COVID-19, ayna laba ruux ugu dhinteen halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor