Somaliland oo shaacisay Ajaanib laga helay Covid 19 iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland ayaa maanta oi Sabti ah waxa ay xaqiijisay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Baadhitaanka 48-kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey 150 isla markaana laga helay qaarkood.

Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 28 waa Somaliland halka 1 qof udhashay Hindiya. Bukaanadan 19 qof waa rag, 10 qofna waa dumar, Da’da Bukaanadan cusub ayaa kala ah sidaan.

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65-jir halka qofka kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60-jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay  24-ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media