Somaliland oo Saldhig Ciidan ka furatay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Sareeye Guuto Muuse Jaamac oo ah Taliyaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag ayaa xarrigga ka jaray   saldhig cusub oo ciidanka Soomaaliland Ay ka sameysteen deegaanka Baraagaha Qol ee gobalka Sanaag,kadib markii maalmihii lasoo dhaafay oo kormeerayay xeryaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka.

Taliyaha ciidanka Soomaaliland ee gobolka Sanaag oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaan la keeni doono ciidamo cusub oo xoojinaya kuwii horay u joogay isla markaana aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kalana waxa uu sheegay qorshahaan in uu qeyb ka yahay la socodka xaaladda amni ee gobolka Sanaag iyo adkaynta xudduudaha Soomaaliland sida uu sheegay.

Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa isku heysta maamulka deegaano ka kala tirsan gobolada Sool iyo Sanaag taas oo keentay dhowr jeer in ay hanjabaad isku mariyaan Warbaahinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media