Somaliland oo Maanta xukun ku riday Rag kufsi u geystay Gabar yar

Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa Maanta oo khamiis ah soo gaba-gabeysay dhageysiga kiiska rag loo heysto inay fal kufsi ah u geysteen Gabar yar oo kamid ah dadka deegaanka degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag.

Maxkamadda Ciidamada Somaliland ee Magaalada Ceerigaabo ayaa xukun ku riday afar ruux oo rag ah, isla markaana lagu soo eedeeyay inay kufsadeen Gabar kamid ah dadka degaanka Ceel-Afweyn, waxaana raggaas la qabtay markii ay falka geysteen, kadib, iyagoo xirnaa muddo.

Maxkamadda ayaa afarta Nin ku xukuntay min min 7 sanno oo xabsi, sida uu Warbaahinta u sheegay Garsoore ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Magaalada Ceerigaabo oo goobjoog ka ahaa fadhiga Maxkamdeynta raggaas.

Si kastaba Somaliland ayaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale xukuno isugu jiray dil toogasho ah iyo kuwo xabsi ah ugu riday rag geystay falal isugu jiray kufsi lagula kacay gabdho iyo rag dilal u geystay dad shacab ahaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor