Somaliland oo Maanta shaacisay kiisas hor leh oo COVID-19 ah

Maanta oo sabti ah Somaliland ayaa soo Bandhigtay Natiijada kasoo baxday Dad hor leh oo looga shakiyay inay qabaa Cudurka halista ah ee Coronavirus oo siweyn uga faafay deegaano dhowr ah oo ka tirsan halkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka 48-kii saac ee lasoo dhaafay laga helay 29 qof, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.

Bukaanadda laga helay Cudurka COVID-19 oo siugu jira rag iyo dumar ayaa waxaa ay ku kula sugan yihiin Magaalada Hargeysa Caasimadda Somaliland 24 qof iyo Burco oo ah 5 qof, kuwaasi oo da’dooduna ay u dhexeeyso 20 jir ilaa 90 jir.

Qoraalka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xanuunka ay ka bogsatay 5 qof oo uu horey ugu dhacay Cudurka, taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay 33 qof, waxaana halkaas saacadihii ugu dambeeyay ku geeriyootay hal qof oo Dumar.

Cudurka COVID-19 ayaa u muuqda kusii faafaya deegaanada Somaliland, waxaana Maamulku uu wadaa dadaalo kala duwan oo lagu xakameynayo faafida Cudurka, iyadoo dadka halkaas ku dhaqan loogu baaqayo inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee la jeedinayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media