Somaliland oo Maanta shaacisay kiisas badan oo COVID-19 ah

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay inay diiwaan-gelisay Kiisas farabadan oo ah Cudurka halista ah ee Coronavirus oo saameyn ballaaran ku yeeshay Caalamka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa lagu sheegay in Cudurka laga helay 24-kii saac ee ugu dambeeyay 35 qof, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan COVID-19.

Dadka laga helay Cudurka ayaa waxaa ay kala yihiin 24 qof oo rag iyo 11 ruux oo Dumar, waxaana 14 qof ay degan yihiin Magaalada Boorama, Burco 8 qof, Hargeysa 8 qof, Berbera 2 qof, Laascaanood 2 qof iyo Allaybaday 1 qof.

Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu xusay in xanuunka saacadihii lasoo dhaafay halkaas ay ugu geeriyootay Haweeney, taasi oo  da’deedu ahayd 35-jir.

Si kastaba Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa gaartay 186 qof, halka ay Cudurka halkaas ugu geeriyoodeen 15 Ruux, waxaana ka bogsatay 19 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media