Somaliland oo ku dhawaaqday lacag ay kula dagaalameyso COVID-19

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay xaaladda Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay deegaanada Somaliland, isagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ee COVID-19.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bulshada ku dhaqan deegaanada Somaliland kula taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri.

 “Ma oron karno meel walba weynu xireynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xirno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19.

Dhinaca kale Muuse Biixi ayaa sheegay inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, isla markaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah,

“Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, maamul ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo” ayuu yiri Muuse Biixi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media