Somaliland oo ku dhawaaqday in la xirayo Masaajidda fariina dirtay

Guddiga ka hortega Cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada  Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, iyagoo soo saaray Go’aano Cusub oo looga hortego faafida Cudurka.

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in muddo 4 toddobaad ah la joojin doono in salaadaha lagu tukado masaajidda, iyadoo dadweynaha la faray in ay guryahooda ku tukadaan.

Sidoo kale goobaha waxbarashada ayaa xirnaan doona afar toddobaad oo kale, xanuunka Coronavirus awgii, Dadka ajaanibta ah ee bilaa sharci ku joogga deegaanka Somaliland ayaa loo qabtay inay halkaas kaga baxaan 5 maalmood.

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Maanta shaacisay in saddex ruux oo qaba Cudurka Coronavirus laga helay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, kuwaasi oo la karantiilay.