Somaliland oo ku dhawaaqday furista ururada siyaasadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo ka hor yimid

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliland Saleebaan Cali Koore oo shir jara’aid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, uu u caddeynayo bulshada in furista ururada siyaasadda ay tahay arrin dowladdu aqoonsantahay.

Saleebaan Cali Koore waxaa uu sheegay in arrintaan aaney hadda wax dood ahi ka taagneyn haddii ay dhacdana in la isku qabto aaney u oollin xitaa Golaha Wakiillada Soomaaliland balse ay u taallo oo kaliya maxkamadda dastuuriga ah.

 

Wasiirka waxaa uu intaa ku daray in dastuurka Soomaliland uu qabo in 10-kii sanaba mar la furo ururada siyaasadda.

Shirkaan jaraa’id ayaa imaanaya xili ay Golaha Wakiillada Soomaaliland ku kala aragti duwanyihiin in la furo ururada siyaasadda ee Somaliland.

Intaa kadib Xisbiyada Mucaaradka ayaa si toos ah kaga hor yimid arrintaasi, iyoo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Waddani ay dhankooda qabteen Shir Jaraa’id, waxana ay sheegeen in marnaab aysan aqbalin doonin tallaabada uu qaaday Muuse Biixi.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor