Somaliland oo ka warbixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Covid19

Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas  ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baaray bulshada.

Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor