Somaliland oo ka hadashay kulankii Muuse Biixi iyo Uhuru kenyatta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa maanta Madaxtooyada ee Magaalada Nairobi ku marti-qaaday wafdigii ka socday Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Kenya.

Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan wafdigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya.

“Labada Madaxweyne waxay kaga wada hadleen kulankooda qodobo dhowr ah oo u badan danaha Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta ayaa Maalinta barrio o tallaado kulan labaad ku yeelan doona Magaalada Nairobi, si loo dhammaystiro qodobada  labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta.

Kulankii dhexmaray Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoona Dacwadaasna shir deg deg laga yeelanayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media