Somaliland oo howlgal ku qabatay Dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Somalia

Ciidanka Booliska Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay aheyd howlgalka ballaaran waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Laascaanood, kaasi oo socday saacado dhowr ah.

Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dad farabadan oo ay ku jiraan Ganacsatada yar yare ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Baay iyo Bakool, iyagoona la isugu geeyay gudaha Garoonka kubadda Cagta Cabdi Bile ee Magaalada.

Saraakiisha Amniga Somaliland ee Laascaanood ayaa sheegay inay baaritaano kala duwan ku wadaan dadka lagu qabtay howlgalka oo qaarkood lasii daayay, waxaana dadka weli la haayo loo diiday inay u tegaan dadkooda.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in inta uu socday howlgalka ay sameeyeen Ciidanka Booliska Somaliland ay jirdil u gaysteen qaar kamid ah Ganacsatada, isla markaana la weydiiyay in xiriir kala dhexeeyo Al-shabaab.

Howlgalka laga fuliyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa yimid, kadib markii muddooyinkii dambe ee Magaaladaas ku bateen falalka amni darro, iyadoona halkaas lagu dilay Mas’uuliyiin iyo xubno kale oo ay fuliyeen dabley hubeysan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor