Somaliland oo Go’aano kasoo saartay Maalmaha Ciidda

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga ka hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus ee Somaliland, waxaana kulanka Guddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas.

Kulanka kadib ayaa Guddiga waxaa ay soo saareen Go’aano Cusub oo ku aadan Maalmaha Ciiddul Fidriga oo maalmo qura naga xigaan, isla markanaa dadka ay wadaan diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee Ciidda.

Guddiga oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa shaaciyay in la joojiyay in salaadda Ciidda lagu tukado Masaajida iyo Garoomada kubada Caggta, sababo la xiriira faafida Cudurka COVID-19.

Guddiga ayaa sheegay in dadka kunool deegaanada Somaliland looga baahan yahay in Salaada Ciidda ay ku tukadaan guryahooda, maadaama laga cabsi karo in Cudurka uu si daran u faafo.

Sidoo kale Guddiga Somaliland u qaabilsan Cudurka Coronavirus ayaa Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaarsiiyo Caruurta ku amray in aysan furi karin goobahaas, ayna sida ay u xiran yihiin usii xirnaadaan.

Ugu dambeyn Go’aamada ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa maalmaha Ciidda lagu joojiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo yahay laga bilaabo maalinta ka horeysa Ciidda.

Si kastaba Ciidul fidriga ee sanadkaan 2020 ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa, iyadoo Caalamka oo dhan ah uu ka jiro Cudurka halista ah ee Coronavirus, isla markaana uu aduunka sameeyay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media