Somaliland oo gacanta ku dhigtay Rag Ajaanib oo sameeyay Lacag Faalso ah

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee Hay’adda Socdaalka Somaliland ayaa howlgal ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen Magaalada Hargeysa kusoo qabtay Saddex Nin oo rag ah oo laba kamid ah u dhasheen dalka Nigeria.

Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Cali (Dayib) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in raggaan lasoo qabtay ay ku howlanaayeen sameeynta lacago Faalso ah , iyagoona ragga kusoo bandhigay Xaruntooda ee Hargeysa.

Waxaa uu sheegay Taliye Maxamed Cali in saddexda ruux ee labada kamid ah u dhashay dalka Nigeria ay yihiin Eedeysanayaal doonayay inay khalkhal galiyaan dhaqaalaha  Somaliland, hayeeshee laga hortegay.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Socdaalka Somaliland Sareeeye Guuto Maxamed Dayib ayaa tilmaamay in Ciidanka Hay’adda Socdaalka ay gacanta ku dhigeen agabk ay Eedeysanayaasha ku farsameynayeen Lacagta iyo Aqoonsiyo been abuur ah.

Ugu dambeyn Sareeye Guuto Maxamed Cali ayaa tilmaamay in raggan lasoo qabtay laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan, isla markaana Digniin u diray dadka doonaya inay ku dhaqaaqan falkaan oo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor