Somalia oo la wareegtay hoggaaminta Madasha Waxbarashada dalalka Carabta

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.

Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.

Wasiir Cabdirixmaan ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalalka Carabta koboca waxbrashada dalkeenna, fursadaha jira iyo dadaallada wax ku oolka ah ee Dowladdu ay dib ugu soo nooleysay Waxbarashada, taas oo ay ka mid tahay asteynta Manhaj mideysan, dib u dhiska xarummo waxbarasho iyo soo celinta waxbarashadii dedweynaha ee lacag la’aanta ah.

“Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.”

Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyaga oo u rajeeyey in ay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media