Somalia oo la sheegay inay u baahan tahay heshiis cusub oo ay la gasho Shiinaha

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galayay shir ay soo agaasintay wasaaradda beeraha & iyo arrimaha reer miyaga ee  Dowladda Shiinaha, shirkaas ay kasoo qayb galeen wasiirada beeraha dalalka Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale.

Safiir Cawaale oo qudbad dheer oo muhiim ahayd  ka jeediyay (THE INTERNATIONAL CONFERENCE ON FOOD LOSS AND WASTE) Shirka Caalamiga ee cunada qasaarta ayaa sheegay in Shiinahu yahay dal aad ugu hormaray dhanka Beeraha ayna Soomaaliya wax badan uga faa’ideyn karto.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo fogaan arag uga qayb galayay shirka wuxuu mahadnaqay Wasaaradda Beeraha ee Shiinaha qabsoomidda shirkan, isagoo khudbadiisa wuxuu ku sheegay in dunida tobankii qofba mid uu nafaqo darro haysato, in ka badan saddex-meeloodna meel dadka adduunka aysan awoodi  karin in ay helaan cunto caafimaad leh, sababtana ma aha cunto yari ee waa cunno qasaartay.

Cawaale Kullane ayaa sidoo kale xusay horumarka ay dowladda Shiinaha ka sameysay yareynta cuntada khasaarta isagoo soo hadal qaaday in Soomaaliya iyo Shiinaha hada ka hor iska kaashadeen dhanka beeraha sidii soomaaliya loogu abuuri lahaa bariiska dalka  Soomaaliya.

Amb. Cawaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca beeraha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha. Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo jireen ah oo dhinacyo badan ah sida waxbarashada, ganacsiga, beeraha, hawada iyo kuwa kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor