Somalia oo Kenya ku tilmaamtay inay tahay dalka ugu muhiimsan ee deriska la ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay qaataday Go’aan siyaasadeed oo lagu doonayo isku soo dhaweyn lagu mideynayo dalalka ku yaalla geeska Afrika ee xiriirka la leh Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo khudbad ka jeediyay Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ayaa waxaa cadddeeyay in dalka Kenya uu yahay dilka ugu muhiimsan dalalka Soomaaliya deriska la ah, uuna ka dhexeeyo xiriir ku saleysan dhinacyo kala duwan.

Waxaa uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya in dowladda ay qaataday siyaasad isku dhaweyn ah, isla markaana lagu doonayo in lagu adkeeyo siyaasadda Arrimaha dibadda ee dowladda.

Afartii sanno ee lasoo dhaafay ayuu Wasiir Axmed Ciise Cawad tilmaamay in dowladda Federaalka ay ku howlaneyd sidii siyaasada arrimaha dibadda ay noqo laheyd mid ka shaqeysa isku soo dhawaanshaha dalalka Gobolka.

“Soomaaliya waxay aaminsan tahay dalalka ugu muhiimsan in ay yihiin dalalka deriska nala ah sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Eritrea iyo labada Suudaan . Adduunkii waa isku soo dhawaanayaa, anagana waxaan nagala rabaa in aanan qol iskusoo xirin oo aan la socono isbedela ka socda gobolka,” ayuu yiri Wasiir Cawad oo ka qeyb galay Munaasabadii lagu daah-furayay safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media