Somalia oo ka qeyb gashay Shir ay yeesheen Guddiyada Doorashooyinka Africa

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaciil Ibraahim ayaa ka qaybgashay maanta kulan xagga internetka ah oo u dheexeeyay Guddiyada doorashooyinka Africa hay’adda ay ku mideysanyihiin ee African Election Management Bodies (EMBs ).

Kulanka ayaa waxaa qaban qaabiyay waaxda arimaha siyaasadda ee Midawga Afrika Department of Political Affairs (DPA) of the African Union Commission (AUC).

Kullanka ayaa looga hadlayay saamaynta Xanuunka Safmarka ee COVID-19 iyo Doorashooyinka Afrika, iyadoo ka soo qaybgalayaasha kulanka ay wadaageen qibradooda la xariirta maaraynta doorashooyinka marka ay jiraan aafooyinka dabiiciga ah.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey ayaa kulanka ka sheegtay sida ay Soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashada sanadkaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media