Somalia oo ka mid noqotay Dalalka aysan ka jirin Xorriyadda Saxaafadda

Warbixin Sannadlaha ee Hay’adda Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn (The Reporters Without Borders ee RSF)dhawaan soo daabacday ayaa lagu soo bandhigay Shaxda iyo Kaalimaha ay 180-Waddan sannadkii hore ka galeen Xorriyadda Saxaafadda.

Warbixinta oo loogu magac daray The 2018 World Press Freedom Index waxaa lagu muujiyey inay Dalalka Ghana, Namibia iyo South Africa noqdeen 3-dal ee ugu sarreeysa Qaaradda Afrika, iyadoo  ay Suxufiyiinta ku haystaan Xorriyad, kuna hawl galaan si aan caburin lahayn.

Warbixinta Hay’adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF waxaa lagu muujiyey Waddamadda heerka ugu hooseeya ka galay Qiimeynta Xorriyadda Saxaafadda ee sannadkii hore.

Dalka Eriteria waxa ay ka gashay Kaalinta  179-aad. Waana Waddanka ugu xun ee Qaaradda Afrika ee Tacadiyadda ugu xun loogu geysto Suxufiyiinta.

Warbixinta (The Reporters Without Borders ee RSF) waxaa kaloo lagu soo bandhigay  dalalka Afrika ee aysan ka jirin Xorriyadda Saxaafadda, kuwaasi oo kala ah: Somalia, Djibouti, Sudan, Masar, Burundi iyo Ekwatoorial Gini.

Dhinaca kale, Hay’adda Suxufiyiinta aan Xuduudka Lahayn ee RSF oo Xarunteeda dhexe ku taallo magaalladda Paris waxay tan iyo sannadkii 2002-dii soo daabacday Qiimeynta Sannadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda ee Dalalka Caalamka, waxayna Qiimeyntooda asaas uga dhigaan heerka Halbeeg Wdaareedka Xorriyadda Warbaahinta iyo Xushmeynta Ammaanka iyo Xorriyadda ay Suxufiyiinta ku hawl-galaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media