Somalia iyo Somaliland oo shir u furmayo iyo Madaxweyne Geelle oo War soo saaray

Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Berri oo Axad ah uu Shir uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in berri uu kulan sii doono Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Qoraalka Madaxweyne Geelle ayaa waxaa lagu xusay in kulankaas lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isla markaana uu goobjoog ka noqon doono kulanka.

Kulankaas Berri ka dhici doona Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ee u dhexeeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa uu qeyb ka noqon doonaa wadahadallo u dhexeeyay labada dhinac.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Safar ugu ambabaxaan dalka Jabuuti, iyagoo ka dhoofi doona Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media