Somalia iyo Masar oo ka wada hadlay hirgelinta heshiis dhexmaray labada Dal

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha  iyo safiirka dalka Masar u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeyn xoojinta iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal, hirgelinta heshiis horey u dhex maray labada dhinac, taageerida iyo dhiirigelinta beeraleyda Soomaaliyeed, iyo sidii dowladda Masar ay uga faa’iideysan lahayd wax soo saarka dalka, gaar ahaan Mooska oo dib ugu soo laabaty suuqyada caalamiga ah.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in safiirka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga, maadaama 2017-kii aan heshiis iskaashi la galnay Wasaaaradda Beeraha Masar, runtii wax badan ayaan ka wada hadalnay”. Ayuu yiri Wasiirka Beeraha dalka.

Wasiirka ayaa xusay in Dalka Masar ay ka jirto suuq fiican oo dhanka mooska ah, sida uu noo xaqiijiyay Safiirka Masar ee Soomaaliya, ayna xoogga saari doonaan wax soo saarka Mooska si loogu dhoofiyo dalka Masar.

Safiirka Masar u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Nasar ayaa sheegay inay marwalba garab taaganyihiin Soomaaliya, isla markaana ay qeyb ka qaadaan doonaan horumarinta beeraha Soomaaliya iyo kobcinta wax soo saarka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media