Silvia Romano: “Rabitaankayga ayaan ku soo Islaamay, oo la iguma khasbin”

Haweeneyda Shaqaalaha Samafalka ee u dhalatay Talyaaniga ee la soo badbaadiyey ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadashay Xaalladii ay ku sugnayd muddadii afduubka loo haystay.

Silvia Constanza Romano oo 18 bilood ka hor laga afduubtay gudaha Kenya waxaa la sii daayey maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, iyadoo shalayna dib ugu laabatay dalkeeda hooyo.

Waxaa Garoonka Caalamiga ee magaalladda Rome ku soo dhaweeyey Qoyskeeda, Ra’isul-wasaare Giuseppe Conte iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga, Luigi Di Maio.

Haweeneydaasi oo 25-jir ah, kana soo jeeda magaalladda Milan waxay qiratay inay ku soo biirtay Islaamka oo ay tahay qof Muslimad ah.

Wareysi ay siisay Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay ku shaacisay inay Diinta Islaamka qaadatay, muddadii Afduubka loo haystay.

“Rabitaankayga ayey ahayd inaan soo Islaamo, mana la igu khasbin” ayey tiri Silvia Constanza Romano oo ku labisnayd dharka asturan ee Haweenka Muslimiinta.

“Nasiib wanaag, Aniga waa ladanahay, Jir ahaan iyo Maskax ahaan. Xaqiiqdii waan ku faraxsanahay inaan soo laabtay. Haatan waxaan doonayaa inaan ku biiro Qoyskayga” ayey sii raacisay.

Mar ay Dacwad-oogayaasha iyada wax weydiiyeen, waxay sheegtay inay mararka qaarkood dhaqdhaqaaqi jirtey iyadoo ay la socdeen dadkii ay u afduubnayd.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyey inuu jiro guur ama Xiriir waxay ku jawaabtay: “Ma jiraan wax guur ama Xiriir, balse Is-qadarin”

Silvia Constanza Romano waxay kaloo sheegtay inay shaqsi ahaan si xor ah Rabitaankeeda u qaadatay Diinta Islaamka, isla markaana la siiyey Kitaabka Qur’aanka, soo baratay xoogaa ka mid ah Luqadda Afka Carabiga.

Waxay si kal iyo lab leh ugu mahad celisay dadkii afduubtay oo ay sheegtay inay si wanaagsan ula dhaqmeen muddadii ay gacantooda ku jirtay.

“Waxay ii ballan qaadeen inaysan I dili doonin, saas ayeyna noqotay” ayey sii raacisay Silvia Constanza Romano oo Wareysi Khaas ah siisay Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA.

Waxay kaloo Wareysigeeda ku tiri: “Waxay ii sharxeen sababtooda iyo dhaqankooda. Inaan soo Islaamo waxay si tartiib ah u socotay bilihii la soo dhaafay. Mana jirin wax Guur ama Xiriir, keliya Xushmad ama Qadarin”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media