Sidee loo xoojin karaa Musharaxnimada Haweenka iyo ka qeyb galkooda hannaanka Doorashada dalka?

Warbaahinta Dalsan Media iyo Hay’adda EISA oo is kaashanaya ayaa mar kale qabtay Barnaamij looga hadlaayay Arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Barnaamijka oo todobaadkan ka baxay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa Mowduucii looga doodayey uu ahaa: “Xoojinta Musharaxnimada Haweenka iyo ka qeyb galkooda ee hannaanka doorashada 2021”.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa todobaaadkan ka qeyb galay Barnaamijka.

Guddoomiye Basma Caamir ayaa sheegtay in Haweenka Musharaxiinta Xildhibaaanada labada Aqal ee Baarlamaanka looga baahan yahay inay noqdan kuwo isku xiran oo wax isku ogolaada, isla markaana kasoo horjeestan cid kasta oo caqabad ku ah kuraastooda.

Waxaa ay Basta Wasiirada Haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha, XFS Xaniifa Maxamed Ibraahim ku boggaadisay dadaalka ay ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Haweenka Soomaliyeed 30% ee Goloyaasha labada Aqal, waxaana ay sheegtay inay ka shaqeyn doonaan mar kasta xuquuqda Haweenka ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa dhankeeda sheegtay in Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maaml Goboleedyada ay kala hadleen xaqiijinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed, isla markaana sanadkaan ay rajo weyn ka qabaan helida xuquuqda Haweenka ee doorashada.

Ugu dambeyn Jawaahir Baarqab ayaa Carabka ku dhufatay inay ku guuleysteen in Haweenka laga dhimo 50% lacagta laga qaadayay Haweenka Soomaaliyeed ee u sharaxan Baarlamaanka Federaalka, loona dajiyay habraac u gaar ah.

Si kastaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan Guddi u magacaabay u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka ugu yaraan 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor