Siciid Deni “ujeedka Madashu waa badbaadinta qaranka iyo doorasho lagu qanacsan yahay”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysanyihiin Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, isagoo xusay in muhim ay tahay in laga wada qeyb qaato badbaadinta qaranka Iyadoo ay Madashu tahay mid u furan cidkastoo door ka qaadanaysa badbaadinta qaranka iyo sidii dalkan dhakhso uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay.

Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay in xilka uu si nabad ah ku wareejiyo, waxaana uu intaa ku daray in u jeedka Madasha uu yahay badbaadinta qaranka iyo sidii dalkan dhakhso uga dhici lahayd doorasho lagu wada qanacsanyahay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor