Siciid Deni oo labo arrimood oo waa weyn ka sheegay shirkii shalay

Madaxweynaha  maamul goboleedka Puntalnd oo ka hadlayay shirkii shalay ee aasaaska Golaha lagu magacaabay “Madashada Badbaado Qaran” ka hadlay dhowr qodob oo la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.

1- dib u noqosho:- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni ayaa sheegay in uu dadaal ku bixin doono wax walba oo looga baaqsan  karo “dib u noqosho.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in dalkoodu uu maanta hiil uga baahan yahay, in la ilaaliyo howshii lasoo qabtay wixii ka dambeeyay sanadkii 2000 ee dowlad dhiska Soomaaliya loo soo amaamudayay oo maanta meel laga sii amba qaadi karo joogta. Madashan waa mid u furan cid kasta oo ay u muuqato waxa annaga noo muuqday ee ah oo rabta inay ku darsato sidii dalka looga badbaadin lahaa in uu dib u noqdo,” ayuu yidhi Deni.

2- ‘Qori isu dhiib’:- Madaxweyne Deni ayaa intii uu ka hadlayay munaasabaddii maanta waxa uu eedeyn u jeediyay dowladda Soomaaliya.

Waxaana uu yiri: “Dowladda maanta joogta waxay ku fashilantay geeddigii la waday ee qori isku dhiibka ahaa, in markii xilligeeda lasoo gaaray ay u dhiibto qofkii ku xigay. Waxay u baddashay in aysan jirin cid ka horreysay iyo cid ka dambeysay midna,”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor