Siciid Deni oo ka hadlay Xilka uu la wareegay Xasan Sheikh Maxamuud

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay sida wanaagsan ay xilka isugu wareejiyeen maanta Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub, wuxuuna u rajeeyay Madaxweynaha cusub in alle u fududeeyo xilka loo doortay ee uu maanta la wareegay.

“Waxaan boggaadinaya sida habsamida leh oo nabadgelyada ah ee ay u dhacday xilwareejinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay dalkeena u tahay wax weyn in aynu joogteyno isku wareejinta xilka Madaxweynaha si nabad ah oo dimuqraadiyadd ah .

Madaxweynaha cusub ee JFS oo maanta Xilka la wareegay Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa hortaalla shaqo badan, waa in lala shaqeeyo oo lagu garab istaago sidii dalkeenu hore ugu socon lahaa, waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo xilka uu maanta la wareegay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor