Siciid Deni oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Bari

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland   ayaa Guddoomiye Cusub u magacaabay Gobolka Bari, kadib xeer Madaxweyne oo kasoo baxay Xafiiskiisa.

Deni ayaa Cabdirisaaq Cali Siciid u magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaasi,kaasi oo dhawaan Xaruntiisa Boosaaso ay ka dhaceen dagaallo khasaaro badan dhaliyay.

Hoos ka akhriso Magacaabista kasoo baxday Xafiiska Deni

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland   Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 001 ee 13-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Madaxweynaha  Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowlad Goboleedka Puntland   Qodobkiisa 80aad.

Markuu la tashaday : Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Marku arkay : Tallo soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdirisaaq Cali Siciid loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixa

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor