Shirweynaha 8-aad ee la-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika oo maalintii 2-aad galay

Waxaa maalintii labaad galay Shirweynaha 8-aad ee Madasha La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Afrika iyo Hey’adaha Isku-dhafka ah ee (FIGE) kaas oo ka dhacaya Caasimadda Jabuuti.

Guddiga Madaxa Bannnaan Ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa Soomaaliya oo sanadkaan xubin firfircoon ka ah madasha ayaa ka qeyb gali doonta kulamada iyo dood-cilmiyeedyada shirka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kor uqaadista dowlad-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqa.

Shirka oo uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyay madaxda iyo wufuuda heerka caalami ee kasoo qeyb gashay. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Soomaaliya xubinimadeeda Dalalka Hay’adaha Isku-dhafka ah ee La dagaalanka Musuqmaasuqa (FIGE).

Soomaaliya waxay dadaal dheeraad ah ku bixineysaa kor uqaadista daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’daha dowladda iyo sidoo kale la-dagaalanka dhamaan noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor