Shirkii u dhexeeyay Somalia iyo Somaliland oo lagu kala kacay

Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyada dalka Jabuuti ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkii halkaas uga socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaaliya lagu kala kacay wajigiisii hore.

Sababta keentay in Shirkaas lagu kala kaco wajigiisii horey ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu laba shuruudood uu shirka ku xiray Madaxweyne Muuse Biixi oo uu doonayay in lagu soo daro Ajendaha Shirka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa waxaa uu sheegay in Ajandaha kulanka lagu daro aqoonsiga Somaliland iyo in dawladda Soomaaliya ay ka garowdo xasuuqii ay dawladdii kacaanka u geysatay shacabka Gobolada Waqooyi.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shir Guddoominaya Shirka, isla markaana waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka socda Beesha Caalamka.

Weli si rasmi ah looma oga Ajendayaasha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonayaa, hayeeshee wada-hadalkaas ayaa waxaa uu qeyb ka noqonayaa kuwo u dhexmaray Somalia iyo Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media