Shirkii Madaxda uga socday Afisyooni oo markii 3-aad natiijo la’aan ksuoo Idlaaday

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa markii saddexaad kusoo dhamaaday natijo la’aan.

Madaxda ayaa Maanta dood adeg ka yeeshay Ajendayaasha shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda furmi doona, waxaana Madaxda ay isku mari waayeen qodobada ay dooda ka yeelanayeen.

Ilo ku dhow Shirka ayaa xaqiijiyay in mar kale la isku mari waayay qodobadii doodda adag ka taagneyd ee ahaa in ajandaha Shirka soo socda lagu soo daro doorka hey’addaha amniga ee xilliga doorashada, si loo ogaado cida mas’uuliyadda leh.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa ku balamay in mar kale la isugu yimaado shir kale oo aan waqtigiisa la shaacin, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in shirkii Maanta lagu kala tegay.

Saacado kahor ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in mabdi’iyan la isku raacay in shirka soo socda la ballaariyo oo furitaanka ka soo qeyb galaan Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynayaashi hore iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor