Shirkii Madaxda oo Goor dhow dib uga bilowday Teendhada Afisyooni

Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa goor dhow dib uga bilowday Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa waxaa uu hordhac u yahay Shirka guud ee Wadatashiga Qaran ee Doorashada oo maalamaha soo socda furmi doona, waxaana shirka haatan socda looga hadlayaa Ajendayaasha Shirka Wadatashiga.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, dhammaan Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha  Gobolka ayaa ka qeyb galaya Shirka Teendhada Afisyooni .

Shirka maanta ayaa la filayaa in horumar laga sameeyo qodobada la isku mari la’aa maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa ajandaha shirka rasmiga ee soo socdo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay rajo ah in shirka maanta is faham laga gaari doono.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in dowladda Fedetaalka ay rajo wanaagsan ka qabto natiijada kasoo bixin doonta Shirka socda.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ku boggaadisay inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn, iyagoona u baaqay inay heshiis ka gaaraan doorashada iyo khilaafka taagan kahor bisha barakeysan ee Ramadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor