Shirkii Madaxda Maamul-goboleedyada ee Garowe oo baaqday

Wararka ka imaanay magaalada Garowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in uu baaqday shir wada-tashi ah oo madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay u ballansanaayeen in magaaladaasi uu uga furmo maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 21-ka Sebteembar.

Shirkaasi ayay madaxweyneyaasha maamul-goboleedyadu kaga arrinsadaan lahaayeen dardargelinta qabsoomiddda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda dalka, kaddib khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay madaxweynaha iyo ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland oo BBC-da u warramay ayaa xaqiijiyay in shirkaasi uu baaqday kaddib markii madaxweynaha Galmudug uu sidaasi dalbaday.

Shirkani oo 17-kii bishan lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay shir aaladda Zoom ay ku yeesheen madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa laga reebay ra’iisalwasaare Maxamed Xuseen Rooble, arrintaasi oo dad badan ay la xiriirinayeen go’aan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo awooddiisa fulinta looga xayuubiyay ra’iisalwasaare Rooble.

Xogta ay BBC-du heshay ayaa sheegeysa in wadahadal dhex maray madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Ra’iisalwasaare Rooble kaddib, uu Qoor-Qoor ka codsaday dhiggiisa Puntland in shirkaasi la hakiyo.

Ilaa haatan lama oga waxa rasmiyan ka soo baxay kulanka Qoor-Qoor iyo ra’iisalwasaare Rooble, haseyeeshee kulankaasi ayaa horseeday in la baajiyo shirkii madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada ay uga arrinsan lahaayeen doorashooyinka dalka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor