Shirkii Madaxda Dowladda iyo M/Goboleedyada oo Maanta dib u furmaya

Shirka u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Arbaco ah dib uga furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo hordhac u ah Shirka guud ee Madaxda ayaa furmay maalintii sabtida aheyd ee todobaadkan, waxaana looga hadlaayay Ajendayaasha Shirka Wadatashiga Qaran ee dooorashada ee maalmaha soo socda furmi doona.

Shirka Madaxda ayaa la filayay inuu shalay dib u furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira safar Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb, wallow uu dib u soo laabtay Muqdisho.

Labadii maalin ee uu socday Shirka u dhexeeyay Madaxda ayaa siweyn looga dooday shuruudo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay ku xireen ka qeyb galka shirarka looga hadlayo  doorashada dalka ka dhaceysa.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa u sheegay in dowladda Fedetaalka ay rajo wanaagsan ka qabto natiijada kasoo bixin doonta Shirka socda.

Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada ku boggaadisay inay sii wadaan shirarka aan rasmiga aheyn, iyagoona u baaqay inay heshiis ka gaaraan doorashada iyo khilaafka taagan kahor bisha barakeysan ee Ramadaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor