Shirkii Guddiyada Farsamada ee Dowladda Somalia iyo Somaliland oo lagu kala tegay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkii halkaas uga socday Guddiyada Farsamada ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland lagu kala kacay.

Sababta keentay in Shirka Guddiyada ee labada dhinac lagu kala tego ayaa waxaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodob ka mid ah War murtiyeedka shirka ee maanta la soo saari lahaa.

Dowladda Jabuuti ayaa dadaal ugu jirta in mar kale dhinacyada isu keento, si heshiis looga gaaro War-murtiyeedka oo qodobo ku jira weli la isku fahmi la’yahay.

Guddiga ka socday dhinaca Somaliland ayaa waxaa diideen qodobka ahaa in aan la siyaasadeyn is dhex galka bulshada labada dhinac inay Muqdisho iyo Hargeysa isaga kala gooshi karaan, haddii ay ahaan laheyd Fanka, Dhaqankax Ganacsiga iyo Isboortiga.

Inta badan qodobada laga wada hadlayay ee sida in aan la siyaadadeyn mashaariicda horumarineyd iyo saadaasha hawada ayaa is faham laga gaaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media