Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo War-murtiyeed laga soo saaray

Waxaa goordhawyed War murtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo maal mihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho, waxaana heshiis laga gaaray qodobadii dooddu ka taagnayd.

Warmurtiyeedka ayaa lagu shaaciyay goorta lasoo gabagabyn doono Doorashada Golaha Shacabka, waxaan madaxda shirtay ay isla qaateen in 15 Janaayo illaa 25 Febraayo lasoo afmeero doorashada Golaha shacabka ee dhwaan ka bilaabatay magaalooyinka dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale Qodobada kasoo baxay shirkii socday ayaa waxaa ka mid ah in Ciidanka Dowladda aysan ku milmin arrimaha siyaasadda, ayna ka fogaadaan wax walba oo keeni kara in ay qayb ka noqdaan qalalaase ka yimaada arrimaha doorashooyinka.

Hoos ka akhriso War-Sxaafadeedka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor