Shirkii Golaha Wadatashiga oo Caawa dib uga bilowday Hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho

Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Caawa ka socda hotelka Decale ee ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirka Golaha oo Maanta hakad nasiino galay ayaa Caawa waxaa ay Madaxda dib u bilaabeen sii amba qaadida doodaha adeg ee horyaalla Shirka, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Madaxda ayaa Shirka diirada ku saaraya dardargelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii khaldamay, amniga  iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Qodobka ugu adeg ay Golaha Wadatashiga dood ka yeelanayaan ayaa ah Arrinta amniga oo uu doonayo Ra’iisul Wasaare Rooble in lagu wareejiyo mas’uuliyada amniga guud ee dalka, isla markaana ay ku taageersan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha aysan weli is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay, isla markaama shirarkii afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday ay ku soo dhammaadeen Natiijo la’aan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor