Shirkii Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo furmay

Waxaa Goordhow Xarunta AMISOM ee Xalane ee Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Somalia Partnership Forum ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Shirkaan oo ah mid sanadkiiba la qabto ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalkan, Arrimaha doorashooyinka , horumarada la gaaray iyo qorshayaasha soo socda ee taageerada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamedv Xuseen Rooble ayaa si rasmi ah u daah-furay shirka oo socon doono hal maalin, isagoo jeedin doona khubad uu uga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan Somalia ayna ku jirto Doorashada dalka.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa Doorashada dalka, marxalada kala guuerka, amniga iyo caqabadaha jira, iyadoo wakiilada Beesha Caalamka loo gudbin doono muranka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka.

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ayaa aalada ZOOM-ka uga qeyb galaya shirkaas u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana inta badan xubnaha Wakiilada Caalamka ay uga qeyb galaan aalada ZOOM-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media