Shirkii ay ku ballansanaayeen Madaxda Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobolleedyada oo dib u dhac uu ku yimid

Waxaa Maanta dib u dhac uu ku yimid shirkii ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashooyinka ee la filayay in maanta ay Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka ee uu u horreeyo RW Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Shirka oo ay horay ugu ballansanaayeen Mas’uuliyiintu ayaa waxaa horay u sii shaaciyay Ra”isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu shir la yeeshay Madaxda Dowaldad Goboleedyada, waxaana ay ku balllameen in Muqdisho la isugu yimaado si loo sii amba-qaado arrimaha horyaalla labada dhinac ee ay muhiimka tahay in looga hadlo shirka.

Shirka ayaa guud ahaanba looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka dalka iyo waxyaabaha ka qabsoomay qodobadii laga soo saaray shirkii hore ee Afisyooni.

Shirka oo ah mid muhiim u ah arrimaha doorashooyinka dalka, ayaa waxaa la filayaa in maal maha soo socda uu si toos ah u furmo, maaddama Maanta oo khamiis ah ay muuqato in dib u dhac uu ku yimid, waxaana warar hoose ay sheegayaan in ay jiraan cabasho ka timid qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo ku aaddan qabashada doorashooyinka, kuwaasi oo loo baahday in mar kale shir la isugu yimaado, si loo sii dardargaliyo arrimaha doorashooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor