Shirkadda Xawilaada Amal ee Kampala oo dhac xooggan loo geystay

Boliska caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxay sheegeen inay ku raad-joogaan Burcad shalay dhac iyo jirdil u geystay Ganacsato Soomaali oo ka tirsan Hawlwadeenadda Shirkadda Sarifka Lacagaha Qalaad ee Amal Hawala ee ku taalla Xaafadda Kisenyi Parishee magaalladda Kampala.

Koox hubeysan oo tiradooda dhan tahay 10-qof oo wejiga soo hagoogtay ayaa la sheegay inay dhacaasi geysteen, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo la dhacay ayaa kala ahaa: Maareeyihii Shirkadda Sarifka Lacagaha Qalaad ee Amal Hawala , C/Fatal Axmed, Ku-xigeenkiisa oo lagu magacaabo Axmed Xasan iyo Lacag-hayihii ama Khasnigii Shirkadda, Issmaaciil Maxamed.

Dableyda waxay weerareen Axmed Xasan oo isagu gacanta ku watay Bac ay lacag ka buuxdo, waxayna xoog uga qaadeen Bacdii oo la sheegay inay ku jirtay lacag dhan 300 million oo Shillinka Uganda.

Dableyda waxay Ganacsadaha jug xooggan kaga dhufteen Madaxa, taasi oo keentay inuu xaallad Miyir-beel ama Koma’ ah galo oo uu dhulka ku dhaco.

Weerarkaasi ayaa waxa uu  Xilli Duhurnimo ah maalintii Talaadada ee la soo dhaafay ka dhacay  meel ku dhow dhismaha Bangiga Stanbic Bank ee Faraciisa Nakibuba oo ku yaalla Faras-magaalaha Kampala.

Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen in  Kaaliyaha Maareeyaha Shirkadda Sarifka Lacagaha Qalaad ee Amal Forex ee magaalladda Kampala, Axmed Xasan iyo Lacag-hayaha Shirkaddaasi, Ismaaciil Maxamed dhacaasi xooggan loo geystay, xilli ay 380 million oo Shillinka Uganda ka soo qaateen Bangiga Diamond Trust Bank faraciisa Rugta Ganacsiga ee Moolka Ekwatooriyaal.

Hawl-wadeenada la dhacay waxaa la sheegay inay wateen  Gaari Toyota Wish waxay u sii gudbeen Bangiga Stanbic Bank oo ay Debaaji ahaan u dhigteen 80 million oo Shillinka Uganda, balse, waxaa la dhacay xilli ay u sii lugeynayeen goobta ay gaarigooda dhigteen.

 

 

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Afhayeenka Boliska Kampala, Luke Owoyesigyire waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Burcadii dhaca u geysatay Ganacsatada Soomaalida, balse, ay sii daayeen markii lagu waayey fal ku aadan inuu ka mid ahaa Kooxdii dhaca u geysatay Ganacsatada Soomaalida.

Waxa uu intaasi ku daray inay suurto-gal tahay inay Burcadda ka soo raaceen Ganacsatada xaafadda Kisenyi, lana socdeen ilaa ay Bangiga ka soo qaadayeen Lacagahaasi.

Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV ee ku rakibnaa Deegaanka lagu dhacay Ganacsatada waxaa laga arkay Dabley wejiga u daboolan, kuwaasi oo aan si fiican loo aqoonsan karin wejigooda aan qarsoonaa, marka laga reebo sankooda iyo indhahooda.

Mid ka mid ah Baarayaasha Boliska waxa uu sheegay inaysan Dembiilaha ka aqoonsan karin Wejiga ama Sanka oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, Dhacdadan loo geystay Hawlwadeenada Soomaalida ee ka tirsan Shirkadda Sarifka Lacagaha Qalaad ee Amal Forex waxay ku soo beegantay maalmo kadib, markii uu Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni kula taliyey Ganacsatada inay kireystaan Shirkadaha Ammaanka marka ay doonayaan inay qaadaan lacag aad u badan, balse, Fariintiisa dheg jalaq looma siinin.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-ka, dalka Uganda waxaa la diiwaan geliyey  426 Kiisaska dhaca hubeysan ee Lacagaha Kaashka, oo lagu dhacay lacag dhan 3.2 Billion oo Shillinka Uganda ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media