Shirkadda Facebook oo hawada ka saartay xayaysiin la xiriirta Donald Trump

Shirkadda baraha bulshada ee Facebook ayaa sheegtay in ay hawada ka saartay xayaysiin ama ii dheh la xiriirta ololaha doorashada ee madaxweyne Trump, xayaysiintaas oo ay kasoo muuqatay calaamad saddex gees ah oo ay adeegsan jireen Naziyiinta.

Shirkadda ayaa sheegtay in calaamadda ay tahay mid looga soo horjeedo kooxaha garabka bidix oo uu Trump dhawaan ku tilmaamay qaswadayaal.

Kooxda ololaha doorashada ee Trump ayaa sheegay in ujeedka ay u adeegsadeen calaamadas ay ahayd mid ay uga soo horjeedaan kooxda antifa oo ay sheegeen in ay adeegsadaan, haseyeeshee Facebook ayaa sheegtay in xayaysiintaas ay kasoo horjeedo siyaasadaha ka dhanka ah naceybka ee u degsan shirkadda.

“Ma oggolin calaamado matalaya urur fikradoodu tahay naceyb,” waxaa sidaas yiri madaxa siyaasadda ee shirkadda Facebook, Nathaniel Gleicher.

Wuxuu intaa raaciyay in naceyb ay ku arkeen xayaysiinta ay soo dhigeen qolyaha qaabilsan ololaha doorashda ee madaxweyne Trump, wuxuuna sidoo kale sheegay in meel walba oo ay ku arkaan falal noocaas oo kale ah ay ka qaadi doonaa tallaabo tan lamid ah.

Xayaysiinta ayaa lasoo dhigay bog lala xiriirinayo madaxweynaha Mareykanka iyo ku xigenkiisa, Mike Pence, waxaana ay hawada ku jirtay 24 saac.

Kahor inta aanan laga saarin ayaa waxaa daawaday boqolaal kun oo qof.

“Calaamadda saddex geesoodka ah waxaa astaan ahaan u adeegsada antifa, waxayna ku jirtay xayaysiinta kooxdaas,” ayuu yiri Tim Murtaugh oo ah afhayeenka ololaha dib u doorashada Trump oo war qoraal ka soo saaray tallaabada ay qaaday Facebook.

“Waxaan ogsoonahay in Facebook ay sameysay calamaad tan lamid ah oo dadku ay u adeegsan karaan falcelinta dareenka lagu muujiyo ee loo yaqaano emoji,” ayuu intaa ku daray.

Xigasho BBC-Somali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media