Shirka Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka Islaamka oo ka furmay Islamabad

Ra’isul-wasaaraha dalka Pakistan,  Imran Khan ayaa waxa uu Maanta furay Shirkii 17-aad ee Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka islaamka ee OIC (The 17th extraordinary session of the Organisation of Islamic Cooperation’s (OIC).

Shirkaasi waxa uu ka furmay Dhismaha Xarunta Barlamaanka dalka Pakistan ee ku yaalla Islamabad (The Parliament House in Islamabad).

57 Wasiir Arrimo Dibadeedyo ka socda dalalka Islaamka iyo Ergooyin Marti Sharaf ah oo ka kala socday QM,  Midowga Europe (EU), Maraykanka,  Shiinaha iyo Raashiya ayaa ka qeyb galayo Shirkaasi, oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa dadka Reer Afganistan.

Waa Shirkii u horeeyey ee noocaasi ah oo ay Pakistan marti-gelinayso muddo haatan laga joogo 41-sano, sida uu RW Imran Khan ka sheegay Furitaanka Shirka Maanta furmay.

Dhinaca kale, RW Khan waxa uu xusay in Ururka Islaamka waajib Diini ah ku tahay sidii loo caawin lahaa dadka Reer Afganistan oo ku tirsan 75% Taageerada Beesha Caalamka.

Shirkaasi oo ay Dowladda Sacuudiga soo qabanqaabisay waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Afganistan, Amir Khan Muttaqi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor