Shirka todobaadlaha ee Maamulka G/Banaadir oo looga hadlay Arrimo muhiim

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka oo ka dhacay Xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen dardargalinta iyo sugitaanka amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo ururinta daqli uruurinta Bulshada.

Sidoo kale Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta bulshada Gobolka Banaadir laga siinayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Kulankaas oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobalka, Agaasimeyaasha maamulka Gobolka iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor