Shirka Somalia iyo Beesha Caalamka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furmaya Shir u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, kaasi oo ka dhici doona Xarunta AMISOM ee Xalane.

Shirkaan oo ah mid sanadkiiba la qabto ayaa waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalkan, Arrimaha doorashooyinka , horumarada la gaaray iyo qorshayaasha soo socda ee taageerada Soomaaliya.

Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa Doorashada dalka, marxalada kala guuerka, amniga iyo caqabadaha jira, iyadoo wakiilada Beesha Caalamka loo gudbin doono muranka ka taagan Guddiyada Doorashooyinka.

Shirkaan oo loo yaqaano Somalia Partnership Forum oo socon doona hal maalin ayaa waxaa sida uu qorshahu yahay shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Roooble.

Sidoo kale Shirka oo isugu jira mid toos ah iyo Qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka aya  waxaa ka qeyb geli doona Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, Diblomaasiyiin iyo xubno kale oo badan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa la filayaa inta uu socdo shirka inay ka jeediyaan khudbado kala duwan oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashooyinka dhacaya dhamaadka sanadkaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media