Shirka Midowga Musharixiinta oo la shaaciyay Waqtiga lasoo gaba-gabeeynayo

Shirka Midowga Murashixiinta ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisii Shanaad, waxana shirka oo ah mid xasaasi ah kasoo baxaya go’aammo hor dhac ah.

Musharixiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa eed kulul u jeediyay dowladda iminka talada haysa, waxaana ay sheegeen in dowladdu ay tahay mid fashil ah oo ku guul darraysatay dhinacyo kala duwan oo la xariira siyaasadda guud ee dalka.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in shirka maanta diiradda lagu saaray geeddi socodka siyaasadeed ee dalka, waxaana uu sheegay in ay Mas’uuliyiinta ku shiray Muqdisho ay Su’aalo iska weydiiyeen halka uu dalku u socdo iyo halka loo baahn yahay in la hiigsado, isagoo intaas ku daray in maadxweyne Farmaajo uu ku fashilamay wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin Amniga, Siyaasadda dalka, Federaalka iyo dhaqaalaha.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in in dowladdu ay ku guul darraysatay qabashada doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda iyo arrimaha dastuurka oo aan laga shaqayn.

Sidoo kale Afheyeenka ayaa shaaciyay goorta lasoo gaba gabeeynayo shirka Muqdisho ka socda ee maal maha badan qaatay, waxaana uu ka dhawaajiyay Afhayeenka u hadlay Midowga Murashixiinta in maalinimada berri ah lasoo gaba-gabeeyn doono shirka, ayna soo saari doonaan war-murtiyeed dhammeystiran.

Musharixiinta ku shiraya Muqdisho ee u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirkoodu waxaa uu qaatay  muddo shan maalmood ah, iyadoo ay ka arrinsanayaan dooarashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkaan iyo billowga sanadka dambe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media