Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo maalintii labaad galay iyo Wadooyinka oo xiran

Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo.

Madasha ayaa waxaa ka qeyb galaya wakiillo ka kala socda in ka badan 50 dal,Safiirro iyo Shirkado ganacsi oo caalami ah,waxaana si rasmi ah u daah-furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Qodobada ugu muhiimsan ee Shirka looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Arrimaha Cadaalada,Amniga,Bulshada,Siyaasadd iyo kuwo kale oo muhiim  u ah dalka.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa Manata ku biiraya qaar kamid Madaxda maamul Goboleedyada dalka sida Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa inuu soo gaba-gabeeyo Madasha Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka Madasha Iskaashiga,waa markii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Muqdisho,ka dib markii dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysatay dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah qabsomidda shirkaasi.

Dhinaca kale waxaa Maalintii labaad xiran Waddooyinka ugu muhiimsan eek u yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana ku sugan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahaya u diiday inay isticmaanlaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media