Shirka Guddiga amniga Doorashooyinka dalka oo Muqdisho ka furmay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka 2020/2021, kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee Garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,wasaaradda amniga gudaha,mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay iyo AMISOM.

Shirka oo muddo saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa Amniga doorashooyinka gaar ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay sida nidaamka Maamulka, miisaaniyadda iyo tababariyada ciidamada ee sugida goobaha ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Taliyaasha ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada dalka oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan waxaana furay soona xiri doono taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media