Shirka Golaha Wasiirada Maamulka oo Maanta looga hadlay Arrimo dhowr ah

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee todobaadkan.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay Amniga guud, Tallo-soo jeedinta iyo waxka bedelka maalmaha shaqada ee Puntland, soo jeedinta iyo Ansixinta khidmada iyo ganaaxyada wado marista.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay, soo bandhigista Sanduuqa Horumarinta degmooyinka iyo xoojinta xiriirka Isku xirka iyo Hay’adaha Dowladda dhexe ee Puntland iyo warbixin ay Golaha la wadaageen xubnaha ka mid ah Golaha Wasiirada oo safar ku tegay Gobolka Mudug.

Wasaaradda Shaqada Shaqalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa Golaha usoo gudbisay talo-soojeedinta iyo waxka bedelka maalmaha Shaqada waxaana Goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey, in maalmaha shaqada ay noqdaan 5 cisho.

Waxka bedelka maalmaha shaqada wuxuu dhaqangelayaa marka Xeerka LR 12, ee Shaqaalaha Rayidka ah wax ka bedel lagu sameeyo ayna ansixiyaan Golaha Wakiillada Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor