Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo si rasmi ah u furmay

Waxaa goordhaweyd Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir Guddoominaya kulanka, waxaana sidoo kale ka qayb galaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddiimiyaha Gobolakni Banaadir Cumara Filish.

Waxaa shirka lagaga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, diyaarinta habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Sidoo kale waxaa shirkaan diiradda lagu saari doona arrimo dhowr ah, iyadoo sida wararka qaar sheegayaan lagaga arrinsan doonaa qodobbo la xariiraan doorashada dalka ka dahcaysa, iyadoo ay macquul ah in is beddal lagu sameeyaa qaar ka mid ah Qodobadii ay horay uga soo saareen shirkii kan ka horreeyay ee Afisyooni lagu kala saxiixday.

Horay shirka Golaha Wadatshiga qaran ayaa loogu ballansanaa in khamiistii aynu soo dhaafnay uu furmo, balse dib u dhaca ayaa ku yimid, madaxda qaar oo dalka ka maqnaa awgeed, waxaana dib loo shaaciyay in shirku uu si toos ah u furmayo maanta oo sabti ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor