Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintiisii labaad galay

Maanta waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horey uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.

Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani waqtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.

Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxweynayaasha Maamul Gobolleedyada shanta ah, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.

Ajendayaasha ugu waaweyn ee shirka lagu gorfeynayo ayaa waxaa kamid ah:-

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub iyo qodobo kale.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa,sida madaxdu ay isugu raacin doonaan qodobadaasi, kuwaasi oo isbedal ku keeni kara waxyaabihii ay horay ugu heshiiyeen.

shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor