Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo la filayo in Maanta si rasmi ah uu u furmo

Waxaa Maanta la filayaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu ka furmo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, ee horay loogu madalsanaa.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa horay loosii shaaciyay in Maanta uu ka furmayo Teendhada Afisyooni, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska RW Rooble lagu sii shaaciyay shirka oo u dhexeeya Xukuumadda iyo Madaxda Dowladad Goboleedyada.

Waxaana shirkaan diiradda lagu saari doona arrimaha ku aaddan doorashooyinka dalka, oo hadda biilawday, waxaana lagaga arrinsan doonaa qodobbo dhowr ah oo la sheegay in ay la xariiraan doorashada dalka ka dahcaysa, iyadoo la filayo in ay is beddal ku sameeyaa qaar ka mid ah Qodobadii ay horay uga soo saareen shirkii kan ka horreeyay ee Afisyooni lagu kala saxiixday.

Horay shirka Golaha Wadatshiga qaran ayaa loogu ballansanaa in khamiistii aynu soo dhaafnay uu furmo, balse dib u dhaca ayaa ku yimid, madaxda qaar oo dalka ka maqnaa awgeed, waxaana dib loo shaaciyay in shirku uu si toos ah u furmayo maanta oo sabti ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor